Zlatan Ibrahimovic oo hadlay kaddib markii uu xalay isaga fariistay ciyaaraha caalamiga

joog

(France) 23 Juunyo 2016. Zlatan Ibrahimovic ayaa isaga fariistay ciyaaraha caalamiga ah kaddib guul daradii 1-0 ee xulkiisa Sweden ka soo gaartay Belgium kulan ay kaga hareen tartanka Euro 2016.

Kabtanka Sweden ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay guulihii uu la gaaray xulkiisa.

Weeraryahanka jooga dheer ayaa shaaciyay inuu ciyaaraha caalamiga ah isaga fariisan doono marka uu dhammaado Euro 2016 dabcana xulka Sweden waa uu ka soo dhamaaday tartanka maadaama ay isaga soo hareen.

Ibra waa laacibka ugu goolasha badan taariikhda Sweden 62-gool 116 kulan uu u saftay.

joog1

“Aad ayaan ugu faraxsanahay waayaheyga ciyaareed,” Ibra ayaa sidaa yiri.

“Waxaan ahay uun wiil oo ka yimid qeyb yar oo magaalada Malmo waxaana helay inaan matelo dalkeyga, waxaan awooday inaan kabtan u noqdo wadankeyga.

“Aad baan ugu faraxsanahay guulahaan la gaaray waxaan heysan doonaa xusooso badan oo qurxoon waayaheyga ciyaareed ee Sweden.

Zlatan ayaa si xoogan lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqo kooxda Man United laakiin weli mugdi baa ku jira kooxda uu sal dhigan doono.

 Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close