XOG: AC Milan oo Napoli & Juve ka dul qaadday Gianluca Lapadula (Berri oo uu caafimaadka u marayo)

(Milano) 23 Juunyo 2016 – Sida uu soo werinayo Sky Sport, AC Milan ayaa Napoli iyo Juve ka dul qaadday laacib muhim ah kaddib soo dhamaystirtay heshiiska weerarka Pescara jaalle Gianluca Lapadula.

Laacibkan oo sanadkii tegey 30 gool dhaliyey 43 kulan oo uu saftay Serie B ayaa caafimaadka Milan u mari doona berritoole saacadda maxalliga ihi marka ay tahay 8:30, isagoo Milan ka doortay Napoli iyo Juventus oo aad loola xiriirinayay.

Arrintan ayaa la yaab leh waayo waa mare Rossoneri 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay unbaa laaacibkan lala xiriiriyey, marka 2-aad waxay Milan wada xaajood kula jirtaa dallad Chinese ah sidaa darteed suuqeedu wuu xannibnaa.

Milan ayaa la sheegayaa inay laacibka ku qaadanayaan €10 milyan oo euro, iyadoo uu Calciomercato saadaalinayo inay Milan la geli doonto qandaraas 5 sanadood ah oo uu midkiiba ku qaadan doono €1m oo euro.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close