Weyne Rooney oo ugu baaqay Jamie Vardy in uu xaaskiisa la hadlo si ay u yareeyso….?

methode2Ftimes2Fprod2Fweb2Fbin2Fefc4711c-38bb-11e6-aa72-a53adb7df446

(Paris) 23 Juunyo 2016. Jariirada The Times waxa ay qortay maqaal ku saabsan baraha bulshada iyo xulka qaranka England ee ka qeyb galaya Euro 2016 khamiistii.

Sida laga soo xigayo wararkaas, kabtanka Manchester United iyo England, Weyne Roone ayaa u sheegay saaxiibadiis in ay ka gaabiyaan baraha bulshada inta la isu diyaarinayo kulanka wareega 16-ka ee ay la leeyihiin isniinta xulka Iceland.

Intaas waxaa dheer, Rooney waxa la soo warinayaa in uu Jamie Vardy kala hadlay xaaskiisa Rebekah, iyo baraha bulshada oo ay aad dhaq dhaqaaqyo uga wado.

Weyne Rooney waxa uu talo ka siiyey baraha bulshada ciyaryahanada khibrada ku yar tahay ee safka England si ay u gaabsadaan kahor inta aan la gaarin kulanka isniinta ee wareega 16-ka.

Waxaa la fahansan yahay in kabtanka iyo ciyaaryahanada kale ee waaya araga ah in ay Jamie Vardy  kala hadleen xaaskiisa Rebekah,  iyo jaceylka ay u qabto baraha bulshada, sidoo kale waxa ay safka walaac ka qabaan af lagaada tirada badan ee lagu hayo Raheem Sterling.

Maanta oo ugu dambeeysay xaaska Vardy dhaq dhaqaaq ku aadan go’aanka seygeeda uu ku diiday Arsenal ay ka sameeysay baraha bulshada.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close