Victor Wanyama oo hadlay kaddib markii uu ku baasay tijaabada caafimaad ee Tottenham

wanyama (4)

(London) 23 Juunyo 2016. Laacibka reer Kenya Victor Wanyama ayaa xaqiijiyay inuu ku baasay tijaabadii caafimaad ee kooxdiisa cusub ee Tottenham kaddib 11-milyan uu ugu soo biiray kooxda reer London.

Wanyama ayaa heshiis shan sano ah ku sii joogi doona gegada White Hart Lane.

“Dhabtii waan ku faraxsanahay ku baasitaankeyga tijaabooyinka caafimaad ee Tottenham,” Wanyama ayaa sidaa u sheegay website-ka soka25east.com.

“Waa bilow cusub ee waayaheyga ciyaareed waxaana aaminsanahay inaan teyda ugu fiican siin doono kooxdeyda cusub.

wanyama (2)

“Waxaan doonayaa inaan uga mahad noqo maamulka Southampton iyo taageerayaasha waqtigoodii aan caadiga ahayn aan soo wada qaadanay.

“Markasta waan xusuusnaan doonaa.”.

24-jirka reer Kenya heshiiska uu kula joogay Southampton ayaa dhaci lahaa xilli ciyaareedka soo socda waxayna go’aansadeen kooxda lagu naaneyso Saints inay lacago ku helaan intii uu 12-bilood kaddib uu bilaash kaga tagi lahaa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close