Radja Nainggolan oo ugu dambeyn qiray in Chelsea iyo kooxdiisa Roma ay ka hadlayaan arrinkiisa laakiin…

ni

(France) 23 Juunyo 2016. Xiddiga qadka dhexe ee kooxda Roma iyo xulka qaranka Belgium Radja Nainggolan ayaa ugu dambeyn qiray in kooxdiisa Roma iyo Chelsea ay ka hadlayaan sheekada ku aadan saxiixiisa laakiin wuxuu laacibku sheegay inuu ku farxi doono haddii uu la sii joogo kooxda reer Talyaani.

Jariiradda Express ee ciyaaraha ayaa fahansan in xiddiga qadka dhexe uu ka mid yahay ciyaartoyda liiska sare ugu jira tabaabre Antonio Conte xagaagan.

Laakiin Nainggolan ayaa la wariyay inuu u ballan qaaday tababaraha kooxda Roma Luciano Spalletti inuu ku sii nagaan doono gegada Stadio Olimpico.

??????????????????????????????

Wuxuuna daaha ka rogay in mustaqbalkiisa la go’aamin doonin ilaa Euro 2016 kaddib inkastoo ay labada kooxood ku jiraan wada hadalo.

“Muddo todobo sano laga joogo hadda waxay dhihi jireen inaan kooxaha badelan doono,” Nainggolan ayaa sidaa yiri.

“Xilli ciyaareed kasta ayay dhacdaa midaa. Haddii ay noqoto inaan sii joogo Roma waan ku farxi doonaa.

“Roma iyo Chelsea weli way wada hadlayaan, laakiin waqti xaadirkan waxaan diiradda saarayaa Euro.”.

Habeen hore, 28-jirka ayaa xulkiisa Belgium u dhaliyay goolka madiga ah ay kaga adkaadeen xulka Sweden oo ay ugu soo gudbeen wareega 16-ka.

 Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close