“Pep Guardiola dartii ayuu Man City ugu biirayaa.”. Nolito adeerkii ayaa sidaa yiri

nolito

(Spain) 23 Juunyo 2016. Xiddiga Celta Vigo ayaa qarka u saaran inuu ku biiro kooxda Manchester City kaddib markii ay wada hadleen tababare Pep Guardiola sida uu sheegayo adeerka weeraryahankan.

29-jirka ayaa waxaa bartilmaameedsanayay Barcelona bishii Janaayo intii uu furnaa suuqa kala  iibsiga ciyaartoyda laakiin kooxda xafidaneysa horyaalka La Liga ayaa markii dambee qaboojisay xiisaheeda.

Nolito ayaa iminka qeyb ka ah shaxda xulka Spain ee Euro 2016 laakiin waxay xiriireen Guardiola oo ay ka hadleen u soo dhaqaaqistiisa xagaagan gegada Etihad.

“Isaga (Nolito) wuu tagayaa hubaashii wuxuu uun suganayaa inuu dhammeysto Euro laakiin heshiiska Man City ku dhawaad wuu soo afjarmay,” Manolo Rodriguez ayaa sidaa u sheegay El Chiringuito TV.

“Waa mid ka mid ah kooxaha ugu fiican adduunka waqti xaadirkan, lacag ayayna heystaan.

“Guardiola ayaa soo wacay isaga usbuuc ka hor. Wuxuu City u aadayaa isaga dartii, haddii ay Man City heysan lahayd tababare kale ma uu aadi lahayn”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close