Ozil iyo Pogba oo sadaqo isu bahaystay. Maxay sameeyeen? [Muuqalo]

ozpog

(Paris) 23 Juunyo 2016. Xiddiga Arsenal, Mezut Ozil ayaa mar kale muujiyey sida uu BILI AADAN wanaagsan u yahay kaddib markii uu 11 ciyaal Africa ah ka bixiyey qalliino aad ayey ugu baah naayeen.

Ozil waxa uu bixiyey dhaqaalaha 11 qalliin oo caruus lagu sameeyey waxa ayna qeyb ka ahayd ololaha la magac baxay BIGShoe ‘Kabta weyn’, oo socda inta lagu guda jiro Euro 2016.

Laacibka khadka dhexe ee Juventus ayaa isna sameeyey sidaas oo bixiyey dhaqaalaha 11 kale oo caruur ah.

Dhamaan 22 ka qalliin hada waa lagu guuleystay, Ozil waxa uu markiiba u mahadceliyey intii ololaha ku lugta lahayd.

‘Koox dhaqaatiir ah ayaa ku guuleystay 22 qalliin oo ciyaal aad ugu bahanaa lagu sameeyey,’ ayuu u soo qoray Twitter-kiisa.

‘Waan ku faraxsanahay in aan helay fursada aan ku caawiyey! #BigShoe.’


Muuqaalka uu soo dhigay, Ozil waxa uu ku yiri: ‘Waan ku faraxsanahay in aan qeyb ka ahay.

‘Inta lagu guda jiro waxaan bixinayaa 11-ka qalllinka lagu sameeyey ee ciyaalka baahan.

‘Kuwaas waa kow iyo tobankeyga. Koox koxdeeyda aan jeclahay.”

Pogba sidoo kale waxa uu beegsaday Twitter-ka si uu ololaha u taageero.

 

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close