Maxaa keenay in xulka qaranka Colombia laga adkaado? tababare Jose Pekerman oo hadlay

(America) 23 Juunyo 2016 Tababaraha xulka qaranka Colombia José Pékerman ayaa ka hadlay guul daradii xalay ka soo gaartay xulka qaranka Chile oo 2-0 uga adkaaday.

José Pékerman ayaa u sababeeyay guul daradii soo gaartay go’aanada garsooraha oo uu ku tilmaamay inay ahaayeen kuwo ka fog cadaalada.

“Intii ay socotay ciyaarta waxaa dhacay dhacdooyin badan, mana jirin halmid oo dhankeena u roonayd, waxaan aaminsanahay in go’aanada garsooruhu ay ahaayeen kuwo ka fog cadaalada” ayuu yiri tababare José Pékerman.

“Qaladaad ayaan samaynay qaybtii hore laakiin qaybtii dambe waxaan u dhaqaaqnay inaan soo barbarayno ciyaarta, waxaa nalagadiiday rigoore sax ahaa oo waxbadan ka badali lahaa ciyaarta”.

“Rigooradaas nalooma dhigin waxyar kadib waxaa casaan lootaagay mid kamid ah ciyaartoydeena oo galay qalad aan sidaas u sii buurnayn”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close