DEG DEG: Wiilka reer KENYA Victor Wanyama oo ku biiray Tottenham+SAWIRRO

(London) 23 Juunyo 2016. Naadiga Tottenham ayaa xaqiijisay inay gacanta ku soo dhigtay xoog waynaha qadka dhexe ee reer Kenya Victor Wanyama.

Wanyama ayaa ka soo tagay kooxda Southampton isagoona heshiis shan sano ah ugu soo biiray kooxda ka dhisan London ee wacdaraha dhigtay kal ciyaareedkii la soo dhaafay.

Waxaa la aaminsan yahay in lagula wareegay adduun lacageed dhan 11-milyan oo bound.

Xiddiga ka soo jeeda dalka aan jaarka nahay ee Kenya ayaa hal sano uga harsanaa heshiiska uu kula joogay kooxdiisa Southampton waa uuna diiday inuu heshiiska u kordhiyo.

Wuxuu u soo saftay naadiga ku ciyaara St Mary 92 kulan wuxuuna u dhaliyay 4-gool.

SAWIRRO:

wanyama (1) wanyama (2)  wanyama (4) wanyama (5) wanyama (6)

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close