Cristiano Ronaldo iyo Greth Bale oo heshiisyo cusub saxiixaya kaddib Euro 2016

cr

(Madrid) 23 Juunyo 2016. Xiddigaha Real Madrid Cristiano Ronaldo iyo Gareth Bale ayaa qallinka ku duugi doona heshiis cusub marka uu dhammaado Euro 2016 sida ay sheegayaan wararku.

Labada laacib ayaa bandhigyo fiican ka sameynaya Purtugal iyo Wales tartanka ka soconay Faransiiska, mustaqbalkooda Bernabeu ayaana lagu wadaa in la xaliyo marka ay ka soo laabtaan waajibaadka xulkooda qaranka.

Sunsport ayaa shalay warisay in Bale lagu wado in loo gacan galiyo heshiis noloshiisa uu ku qaadanayo Madrid kaddib markii uu ciyaaryahan laf dhabar ah u noqday Zinedine Zidane.

It's alleged that Gareth Bale will extend his Bernabeu contract until 2023

Los Blancos ayaa jibsay rikoodhka suuqa kala iibsiga adduunka kubbada cagta si ay Bale ugala soo wareegto Tottenham sanadii 2013. Iminkana laacibka wuxuu diyaar u yahay inuu la sii joogo kooxda ilaa sanada 2023.

26-jirka ayaa usbuuciiba jeebka ku shubta 300,000, laakiin iminka wuxuu filan karayaa mushaar uu kula tartamayo xiddigaha ugu mushaarka badan xagaagan.

Jariiradda Marca ee ka soo baxda dalka Spain ayaa sheeganeysa in Bale uu heshiiska cusub qallinka ku duugi doono marka uu soo dhammaado waayahooda EURO iyadoona sidoo kale lagu wado Ronaldo.

Ronaldo's current deal is set to be extended by two years until 2020

Kabtanka xulka Portugal ayaa soo jiidanayay xiisaha kooxaha PSG iyo waliba kooxdiisii hore ee Manchester United, labo sano ayaana uga harsan heshiiskiisa iminka.

Laakiin jariirada Marca ayaa sheegeysa in Ronaldo uu iska diidi doono dalab kasta isla markaana uu heshiiskiisa Madrid ballaarin doono ilaa 2020. Inkastoo mushaarkiisa sanadlaha ah uusan isbadeli doonin.

Wararku waxay kaloo sheeganayaan in kooxda ku ciyaarta gegada Bernabeu ay sidoo kale u dhaqaaqi doonto xagaagan sidii ay u sii xafidan lahayd Karim Benzema.

It's also claimed that fellow forward Karim Benezma will pen a fresh contract as well

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close