Zlatan Ibrahimovic oo ka fariistay ciyaaraha caalami

ibra

(Stockholm) 23 Juunyo 2016 – Weeraryahanka Xulka Qaranka Sweden Zlatan Ibrahimovic ayaa kulankiisii ugu dambeeyay xulkiisa u saftay ciyaartii xalay ay guuldarro 1-0 kala kulmeen xulka Belgium, taasoo gebi ahaanba Swedish-ku kaga hareen Koobka qarammada Yurub ee Euro 2016.

Ibrahimovic ayaa horey u sii shaaciyay in Koobkan Qarammada Yurub haddii uu dhammaado uu dhigi doono funaanadda xulka dalkiisa, waxaana nasiib darro u ah Xulka Sweden inuu u soo gudbi waayo wareegga 16-ka.

Ibra oo 34 sano jir ah ayaa Sweden u dhaliyay 62 gool, taasoo ka dhigan rikoodhka gool dhalin ee ugu sarreeya xulkiisa, waxaana sidoo kale kulankii xalay ee Belgium uu ahaa kiisii 116-aad, waloow uu 32 kulan ka hooseeyo ninka ugu ciyaar safashada badan taariikhda Sweden ee Anders Svensson.

Dhinaca kale Ibrahimovic ayaa lagu sheegay qofka 145-aad ee ugu dhaqaalaha badan waddanka Sweden, isagoo haysta adduun lacageed gaaraya 1.2 Bilyan oo Koron Swedish ah oo u dhiganta 130 Milyan oo Euro, sida lagu daabacay Wargeyska Dhaqaalaha ka faallooda ee Veckans Affärer.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close