MUUQAAL: Ronaldo oo makarafoonka biyo uga dhextuuray wariye su’aal waydiiyay!

(Lyon) 22 Juunyo 2016 Cristiano Ronaldo ayaa sameeyay fal ay aad u canbaareeyeen saxaafada kadib markii uu maanta makarafoonka biyo uga dhex tuuray wariye su’aal waydiiyay.

Ronaldo ayaa aad uga caraysan saxaafada daba dhigatay gaar ahaan xiliyada uu ku jiro murugada ama hoos u dhaca kubadeed.

Tan iyo sidii uu u bilowday Euro 2016, Ronaldo ma helin farxad, waxaana uga sii xumayd goolku laadkii uu khasaariyay kulankii Austria.

Ka hor kulanka caawa, wariye ayaa waydiiyay laacibka reer Portugal: Diyaar ma utahay kulanka maanta? laakiin jawaabta Ronaldo ayaa noqotay inuu ka qaato makaroofanka isla markaana uu ku dhex tuuro biyo.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close