Miyuu Neymar ku sii jeedaa Manchester United?… (Ku xigeenka madaxa maaliyadda Barca oo hadlay)

(Barcelona) 23 Juunyo 2016 – Sida uu warinayo wargeyska Spain ka soo baxa ee Mundo Deportivo, Neymar ayaa ka fikiraya dalab heshiis kordhin ah ee kooxda Barcelona.

Haddii uu heshiiskaas cusub saxiixo kooxaha Manchester United, Paris Saint-Germain iyo Real Madrid ayaa dhammaantood la warinayaa inay ka walaaci doonaan in lacagaha ugu yar ee heshiiskiisa lagu burburin karo ay ka fogeyso iyaga soo iibsashadiisa.

Laakiin iminka ku xigeenka madaxa maaliyadda kooxda Barcelona Susana Monje ayaa daaha ka rogay in kooxdu aysan xitaa qorsheynayn suuragalnimada ay ku lumin karaan weeraryahankooda reer Brazil.

“Heshiis cusbooneysiinta Neymar waa hadalhaynta ciyaaraha.” Monje ayaa sidaas u sheegay jariiradda Marca.

“Dhaqaale ahaan waxaad dhammaan ogaydeen xuduudaha waqtiga qaar.

“Ma aanu daraasaynin, saamaynta qiyaaliga ah Neymar ee Barcelona, maxaa yeelay kama fikireyno midaa.”

Neymar-Barcelona-682480

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close