EURO 2016: Group E: Xulka Talaaniga oo kaalinta 1-aad ku soo baxay inkastoo laga adkaaday, Belgium oo kaalinta labaad xiratay iyo Sweden oo waysay kaalinta saddexaad + Sawirro

(Yurub) 22 Juunyo 2016 – Xulka qaranka Talyaaniga ayaa ku soo baxay kaalinta koowaad ee Group E inkastoo uu guuldarro 1-0 kala kulmay Republic of Ireland, halka Belgium uu ku soo baxay kaalinta labaad, iyadoo xulka Sweden uu ku guuldarreysay inuu ku soo baxo xitaa kaalinta saddexaad kaddib guuldarro ka soo gaaray Belgium.

Kulankii dhexmaray xulalka Belgium iyo Sweden ayaa ku soo idlaaday 1-0 lagu dardaray xulka uu hoggaamiyo Ibra ee Sweden.

Qeybtii hore ee kulankan ayaa lagu kala nastay barbaro goolal la’aan 0-0, laakiin gool soo daahay waxaa xulka Belgium u dhaliyey Radja Nainggolan, kaddib kubbad uu ka soo tuuray 84’ daqiiqo bannaanka xerada ganaaxa, taasi waxa ay sababtay in xulka Belgium uu ku soo baxo kaalinta labaad isagoo min 6 dhibcood la wadaaga Talyaaniga.

Dhinaca kale xulka qaranka Talyaaniga ayaa ku soo baxay kaalinta koowaad ee Group E isagoo leh 6 dhibcood, inkastoo uu guuldarro 1-0 kala kulmay Ireland.

Inkastoo ciyaartaan qeybtii hore lagu kala tagay barbaro goolal la’aan 0-0 ayaa haddana markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad uu xulka Republic of Ireland dhaliyey goolka qura ee uu kaga adkaaday xulka Italy.

Xulka Ireland waxaa guushaan ku hoggaamiyey 85’daqiiqo Robert Brady, markii uu madax xoog leh ka dhaliyey Talyaaniga, kulanka ayaa ku soo idlaaday 1-0 lagu maray Talyaaniga.

Republic of Ireland ayaa waxa ay sidaas ku noqdeen Xulkii 4-aad ee Talyaaniga ku garaaca Koob Adduun iyo Cayaaraha Yurub.

Xulka Sweden ayaa gabi ahaanba isaga haray tartanka Euro 2016, iyadoo Zlatan Ibra uu u dhaliyey xulkiisa 62 gool 115 kulan oo uu u saftay sidaasna ku macsalaameeyey tartankan.

SAWIRRO:

Robbie Brady headed past Salvatore Sirigu to secure the Republic of Ireland a dramatic victory over Italy and safe progress into the last 16

Brady nodded in Wes Hoolahan's right-wing cross with six minutes remaining at Stade Pierre-Mauroy to send his country through

Brady's goal meant the Irish finished third in Group E at Euro 2016 and they will now go on to face France in the knockout stages

Brady wheels away to celebrate in front of the ecstatic travelling Irish supporters on a famous night for his country in Lille

Ireland's players run to congratulate Brady after the Hull man's header ensured safe progress to the last 16

Shane Duffy leaps onto his Ireland team-mates as Hoolahan celebrates in front of the Irish fans after his side's strike

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close