Taageerayaasha Man United oo barta TWITTER-ka uga jafay Zlatan Ibrahimovic kaddib markii uu ka dhawaajiyay inuu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah

ibra

(France) 21 Juunyo 2016. Kabtanka xulka Sweden Zlatan Ibrahimovic ayaa ka dhawaajiyay inuu isaga fariisanayo ciyaaraha caalamiga ah kaddib Euro 2016.

Goor hore ayaa la soo jeediyay in Ibrahimovic uu seegi doono kulamada hore ee Man United haddii uu ku biiro sida la filayaba maadaama uu ciyaari doono tartanka Olymbikada adduunka ee ka furmaya Brazil daba yaaqada sanadka.

Laakiin warkan cusub oo uu ku sheegay inuu iska laalay kabaha ciyaaraha ee xulkiisa ayaa farxad galinaya Tababare Jose Mourinho oo si wayn u doonayay laacibkan.

Yeelkeede, taageerayaasha Man United ayaa barta Twitter ka uga jafay Zlatan kaddib hadalkii uu ka dhawaajiyay.

“Ibrahimovic wuxuu Euro 2016 ugu xaqiijiyay qofkasta inuusan u fiicnayn sidii hore, waxaa la joogaa waqtigii uu ciyaaraha oo idil isaga fariisan lahaa.”. midaa sidaa ku soo yiri Twitter.

Ku kalaa soo qoray: “Zlatan kama uusan fariisan ciyaaraha caalamiga ah ee ciyaaraha caalamiga ah ayaa ka fariistay Zlatan.”.

Ku kalaa yiri: “Ilaa iminka tartanka Euro 2016 waxay u muuqataa inuuba kol horeba isaga fariistay ciyaaraha.”.

Mid kalaa yiri: “Ciyaaraha oo dhan ayuu isaga fariisan doonaa marka uu garowsado in horyaalka Premier League uusan ahayn Darjiino lagu soc-socdo wuu ka adag yahay horyaalka Faransiiska, ama ku soo guuleyso horyaalka Shiinaha.”

“Ibrahimovic  ayaa ka dhawaajiyay inuu niyad jab kale ka heli doonin koob wayn.”.

z z3 z4 z5 z6

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close