RASMI: Kooxda AS Roma oo wada iibsatey Stephan El Shaarawy & Norbert Gyomber

(Roma) 21 Juunyo 2016 – AS Roma ayaa si rasmi ah u iibsatey laacibka garab-weerarka ah ee Stephan El Shaarawy oo ay iska lahayd kooxda AC Milan, sida lagu dhawaaqay mar aan sidaa usii fogeeyn.

“Maana waxay runtii ii ahayd maalin muhim ah waayo waxaan noqday laacib Roma ah. Waxaan u mahadceinayaa madaxwayne Pallotta, maareeye Sabatini iyo macallin Spaletti,” ayuu yiri wiilkan 23-jirka ah.

Roma ayaa dooneysey in qiime dhimis loo sameeyo, yeelkeede waa laga diidey waxayna laacibka ku qaadatay lacagtii horay loogu heshiiyey oo dhan €13m oo euro taasoo ay lafteedu xaqiijisay kooxda Milan, isagoo saxiixay qandaraas uu Olympico ku joogi doono ilaa iyo Juunyo 2020.

Dhanka kale, kaddib Stephan El Shaarawy, Roma waxay lasoo saxiixatay laacibka reer Slovakia ee caalamiga ah ee Norbert Gyomber oo ay Catania kasoo siisatay €1.5m, kaasoo inta badan kayd ka ahaa kooxdaasi oo uu kusoo biiray sanadkii tegey ee 2015.

b

Gool FM

 

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close