HOR DHAC: Spain V Crotia

(Bordeaux) 21 Juunyo 2016. Spain waxa ay ogyihiin dhibic qura oo ay kulankan ka helaan in ay booska kowaad uga soo bixi karaa.

Dhinaca kale, Crotia hadii ay natiijo iyaga u xaglineysa aysan kala tagin is araga Spain waxa ay u dhici karaan booska saddexaad oo aan ahayn mid si toos ah ugu gudbinaya wareega 16-ka.

WARARKA LABADA XUL

-Luka  Modric shaki weyn ayaa ku jira in uu ka qeyb qaadanayo kulankan adage e Group, waxa uu dhaawac gumaarka ah uga soo baxay kulankii Czech Republic. Uma suuragalin in uu tababar sameeyo tan iyo markaas waxaana hubaal noqon karta in safka kowaad aan lagu soo darin, booskiisa waxaa gali kara laacibka ay Real Madrid kawaada tirsan yihiin Mateo Kovacic.

-Intaa wax dheer oo mushkilad ah Crotia ma qabaan mana laga filayo is badal tiro leh kaartiiste Ante Čačić.

-Keydka waxaa ka soo gali karaa kolkii loo baahdo Marcelo Brozovic, Milan Badelj, Ivan Strinic iyo Domagoj Vida

SPAIN

– Vicente Del Bosque wal wal dhaawac ma qabo balse waxaa kaar huruudi ah u jira in uu kulanka Crotia hadii uu qaato ku seegaya kan xiga Sergio Ramos waase la nasin karaa.

-Iyada oo ay xaqiijiyeen u soo bixida wareega 16-ka, waxa ay u dagaalmayaan booska kowaad, Del Bosaque markan waxa uu fursadii ugu dambeeysay siin karaa Iker Casillas si uu David de Gea u nasiyo madaama dhibaato banaanka garoonka ay dhowaan ka soo food saartay.

-Pedro waxaa dib loogu celin karaa dalka Spain kaddib hadaladiisii aha in uusan fursad loo siin safka kowaad.

MA LA SOCOTAA?

-Kulankan waxa uu noqonayaa markii lixaad ay is arkaan Spain iy Crotia; Spain saddex jeer ayey badisay, Crotia mar halka marna ay isku garab dheceen.

-Crotia marka kaliya ee ay Spain ka badiyeen waxa ay ahayd is aragoodii ebid ugu horeeyey, 1994 oo ay 2-0 ku garaaceen, wixii intii ka dambeeyey laba gool oo qura ayey awood u yesheen in ay ka dhaliyaan La Roja (Saddex  guul daro iyo hal bar bar dhac).

-Spain iyo Crotia markii isugu dambeeysay waxa ay kulmeen Euro-gii ugu dambeeyey ee 2012, waa marka kaliya ee ay tartan weyn fooda isku dareen, Spain ayaa 1-0 ku badisay iyada oo uu daqiiqadii 88-aad Jesus Navas goolka u dhaliyey.

-Crotia waxa ay wareega bug baxda ee koobka qaramada qaarada Yurub gaareen boqolkiiba konton (50%) inta ay tartanka qeyb ka noqdeen (Afar mar ayey dheleen labana wey u gudbeen wareega labaad), waxa ay kala ahaayeen 1996 iyo 2008.

-Crotia hal mar oo kaliya ayey gool dhalin waayeen 11-kii kulan ee Euro-ga ugu dambeeysay, waxa ay ahayd kulankii Spain ee 2012.

-Spain 14 kulan oo Euro-ga dhulka dhinacooda lama dhigin (11 wey badiyeen saddexna bar bar dhac), goolna lagama dhalin tiro dhan 690 daqiiqo.

-Spain sideedii kulan ee ugu dambeeysay heerka Group-yada ee Euro-ga shabaqa wey soo taabaneysay, markii ugu dambeeysay oo aysan gool Group-yada ku dhalin waxa ay ahayd Euro-gii 2004, Portugal ayaa 1-0 uga badisay.

-Crotia waxa ay 20 darbo isku day ah dheertay kuwa ka soo horjeeda marka la eego labadii kulan ee ugu horeeyey Euro 2016, balse hal gool ayey dheer yihiin.

croatia-spain-badge-graphic-euro-2016_3487479

SAFAFKA LA FILI KARO

Croatia: Subašić; Srna, Ćorluka, Vida, Strinić; Brozović, Badelj; Pjaca, Rakitić, Perišić; Mandžukić.

Min hal kaar oo jaale ah ayey u jiraan in ay seegaan kulanka kan xiga:
Badelj, Brozović, Strinić, Vida

Spain: De Gea; Bellerín, Piqué, San José, Alba; Busquets; Pedro, Thiago, Iniesta, Nolito; Morata.

Kaar huruudi ah ayuu ku seegi doonaa kulanka kan xiga: Ramos

 

Gegida: De Bordeaux

Saacadda Geeska Africa: 10Pm

Gool FM.

 

 

 

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close