EURO 2016: GROUP C: Germany oo ku soo baxay booska hore iyo Poland oo labaad gashay (SAWIRRO)

(Paris) 21 Juunyo 2016 Xulka qaranka Germany ayaa ku soo baxay booska hore ee Guruub C kadib markii ay 1-0 ugu awood sheegteen xulka qaranka N.Irelnad halka Poland ay ku soo baxday booska 2-aad kadib markii ay garaacday Ukraine.

Xulka qaranka Germany ayaa si dardar leh ku soo galay ciyaarta waxayna iska qasaariyeen fursado badan oo goolal loo fishay qaybtii hore ee ciyaarta.

Muller ayaa laba kubadood birta ku garaacay ka hor intii daqiiqadii 29 uusan Mario Gomez u baasin kubadd uu ka helay Mesut Ozil, Gomez ayaana ka dhigay ciyaarta 1-0.

Qaybtii dambe xulka qaranka Germany ayaa halkiisa ka siiwaday weerarka waxayna iska qasaariyeen fursado uu hormuud ka ahaa Mario Gotze kaas oo laga badbaadiyay laba kubadood oo uu ulatagay goolhayaha ka hor intii aan labadalin.

Dhanka kale xulka qaranka Poland ayaa ku soo baxay booska 2-aad ee kala saraynta jadwalka guruub C kadib markii ay 1-0 uga adkaadeen xulka qaranka Ukraine.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 0-0 laakiin 54 daqiiqo Blaszczykowski ayaa hogaanka u dhiibay xulkiisa qaranka isaga oo ka dhigay ciyaarta 1-0.

Germany iyo Poland ayaa wada shaqaystay min 7 dhibic halka N.Ireland oo ku jirta booska 3-aad ay shaqaysatay kaliya 3 dhibic.

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close