DEG DEG: Real Madrid oo xaqiijisay inay dib ula soo wareegeyso Alvaro Morata

alvaro

(Madrid) 21 Juunyo 2016. Real Madrid ayaa xaqiijisay inay ka shaqeysiineyso heshiiska ay dib ugu soo iibsan karto Juventus weeraryahankoodii Alvaro Morata.

Morata ayaa uga soo tagay Bernabeu heshiis labo sano ah oo ku kacaya 15-milyan si uu ugu biiro kooxda xafidaneysa horyaalka Serie A.

Sikastaba, Los Blancos ayaa ku dartay heshiiska uu kaga tagayay inay awood u yeelan karayaan inay dib ula soo saxiixdaan inta uu ku jiro labadiisa sano ee ugu horreysa horyaalka Talyaaniga.

Iminkana Real Madrid ayaa ka dhawaajisay oo xaqiijisay inuu dib ugu soo laaban doono marka uu dhammaado Euro 2016 kaddib iyadoo uu iminka qeyb ka yahay shaxda xulka Spain.

“Real Madrid ayaa ku wargalisay Juventus go’aankeeda inay ka shaqeysiineyso xuquuqdeeda Alvaro Morata kaa oo kooxda kula soo biiri doona tababarka ay isugu diyaarinayaan xilli ciyaareedka cusub oo uu horjooge u yahay Zinedine Zidane.” Sidaas ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay Real Madrid.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close