Chelsea oo loo sheegay in Kalidou Koulibaly uusan iib ahayn

(Naples) 21 Juunyo 2016 Kooxda Napoli ayaa sheegtay in Kalidou Koulibaly uusan meelna uga socon suuqa kala iibsiga ee xaggaagan kadib markii lala xiriiriyay kooxda Chelsea.

Madaxwaynaha Napoli ayaa sheegay in Kalidou Koulibaly uusan isaga qilaaf kala dhexeyn wuxuuna intaa ku daray inuu la sii joogayo kooxda 3 sano ee uga hartay heshiiskiisa.

Arinkaan ayaa dhabar jab ku ah tababare Antonio Conte oo bartilmaameed ka dhiganayay 25 jirka reer Senegal si uu ugu xoojiyo daaficiisa.

“Ma jiro qilaaf igala dhexeeya Kalidou Koulibaly, wuu dhamaysan doonaa heshiiska 3 sano ah ee uu nagula jiro” ayuu yiri madaxwaynaha Napoli.

“Haddii uu doonayo inuu noo saxiixo heshiis 5 sano ah waan is arki doonaa laakiin heshiisku waxaa haboon inuu qanciyo labada dhinac”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close