”Talyaanigu way ku guulaysan karaan Euro 2016” – Capello

(Roma) 20 Juunyo 2016 – Fabio Capello ayaa rumaysan in “Talyaanigu ay u tartami karaan koobka” Euro 2016 oo ay kuba guulaysan karaan.

Xulka Antonio Conte ayaa ilaa haatan badiyey labadii kulan ee ay safteen heerka guruubyada iyagoo durba usoo gudbey wareegga 16-ka iyagoo ah hoggaanka wareegga E.

“Waxaan rumaysnahay in Talyaanigu ay koobka qaadi karaan, maxaa yeelay waa koox ay adag tahay in lala macaamilo oo meel la saaro,” ayuu Capello ku yiri Radio Anch’Io Sport.

“Waa koox caadi ah, lkn ku dhisan abaabul iyo wax u muuqda daafaca ugu wanaagsan tartanka Qaramada Yurub.” ayuu yiri.

“Qof kasta waa inuu naga welwelaa, maxaa wacay xilli kastaan gool kala iman karnaa, ama bunisyoon ama laad-gees, tan ugu daranina waa inay adag tahay in gool nalaka dhaliyo.” ayuu raaciyey.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close