Leicester City oo diyaar u ah inay ka dhigto Troy Deeney laacibka 3-aad ee ugu qaalisan ciyaartoyda ingiriiska

(Leicester) 20 Juunyo 2016 Kooxda Leicester City ayaa ugu danbayntii ogolaatay inay bixiso aduun dhan 30 milyan oo Ginni si ay u hesho saxiixa weerar yahanka Watford ee Troy Deeney.

Leicester City ayaa laga soo diiday laba dalab oo hore oo kii ugu danbeeyay uu ahaa 25 milyan oo Ginni laakiin Watford ayaa sheegtay in Troy Deeney ay ku fasixi karaan kaliya 30 milyan oo Ginni.

Telegraph ayaa daaha ka qaaday in maamulka sare ee kooxda Watford ay barri oo talaado ah ka arinsanayaan mustaqbalka Troy Deeney kaas oo haatan ay diyaar u tahay Leicester City inay ka bixiso 30 milyan oo Ginni.

Kooxda macalin Ranieri ayaa la soo sheegayaa inay dalabkeeda ugu danbeeya ka gudbin doonto Troy Deeney 48 saac ee soo socota si ay u hesho 27 jirka reer ingiriis.

Haddii Watford ay aqbasho dalabka Leicester City, Deeney ayaa noqonaya laacibka 3-aad ee ugu qaalisan ciyaartoyda ingiriiska kadib Sterling iyo Carroll oo qiimo qaali ah ugu kala biiray Man City iyo Liverpool.

Troy Deeney ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay Watford xiliciyaareedkii dhamaaday wuxuuna u dhaliyay kooxdiisa 15 gool tartamada oo dhan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close