Gareth Bale oo hogaanka u qabtay gool dhalinta EURO 2016 isagoo sidoo kale noqday….

gool1

(France) 21 Juunyo 2016. Gareth Bale ayaa sameeyay taariikh kaddib markii uu xulkiisa Wales ku hogaamiyay inay markoodii ugu horreysay u soo gudbaan wareega 16-ka Euro.

Laacibka Real Madrid ayaa noqday xiddiga ugu goolasha badan ebid xulkiisa tartan wayn, intaa oo kaliya ma ahaanee waa laacibka ilaa iminka hogaaminaya gool dhalinta Euro 2016, saddex gool ayuu leeyahay.

Waxa uu sidoo kale noqday laacibkii ugu horreeyay ee goolal ka dhaliya saddexda kulan ee wareega group-yada Euro kaddib Nistelrooy iyo Milan Baros 2004.

Bale ayaa sameeyay 12-shuut oo uu la beegsaday goosha tartanka Euro 2016, kaliya Michel Platini ayaa sameeyay laadad ka badan 1984 (15-shuut).

Gool dhalinta Euro 2016  ayaa ilaa iminka loo kala hogaaminayaa sidan:

 gool3

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close