EURO 2016: Group B oo soo idlaaday, Wales iyo wiilkooda Bale oo taariikh sameeyay iyo xulka England oo labaad ku soo baxay+SAWIRRO

(France) 20 Juunyo 2016. Xulka Wales ayaa markoodii ugu horreeyay taariikhda u soo gudbay wareega 16-ka Euro kaddib markii ay 3-0 uga taqaluseen xulka Ruushka halka xulka England oo labaad ku soo baxay uu bar baro gool la’aan ah la dhaafi waayay Slovakia oo saddexaad ku dhammeysatay Group-ka B.

Ciyaarta Xulka England iyo Slovakia ee ku idlaatay 0-0.

Xulka England oo iyagu lix badel sameeyay kulankan ayaa aad u wacnaa qeybtii hore marka laga reebo inay wax gool ah dhalin waayaan.

Wiilasha lagu soo bilaabay kulankan ee Vardy iyo Sturridge ayaa la dareemayay joogistooda garoonka iyagoo fursado sameeyay.

Xulka Slovakia ayaan wax taabasho ah dhanka kubbada ku dhex sameyn diilinta ganaaxa ee xulka England halka tooda lagu sameeyay 19-taabasho.

Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta daqiiqadii 62-aad ayaa waxaa fursad ka dhigay koorno uu soo qaaday Henderson xiddiga yaraha Tottenham Della Ali balse waxaa goosha ka soo bixiyay daafaca birta ah ee Liverpool iyo xulka Slovakia Skartel.

Sikastaba, England ayaa ka badin waysay inay bar baro 0-0 ah la gashay Slovakia.

Dhanka kale xulka Wales ayaa wacdaro dhigay kaddib markii uu 3-0 kaga adkaaday xulka Ruushka ciyaar uu siduu doono u maamulanayay.

Qeybtii hore ee ciyaartan ayaa lagu kala nastay 2-0.

Xiddiga Arsenal Aaron Ramsey ayaa hogaanka u dhiibay xulkiisa Wales daqiiqadii 11-aad baas dusan uu ka helay Joe Allen halka goolka labaad uu u dhaliyay Taylor sagaal daqiiqo uun kaddib.

Xulka Wales ayaa sameeyay sagaal shuut oo uu la beegsaday goosha qeybtii hore 45-daqiiqo waana intii ugu badnayd ilaa iminka tartanka qeybta hore wuxuuna 2-fursadood bis ka yar yahay xulka Faransiiska 270-kii daqiiqo uu ciyaaray tartanka Euro 2016

Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad hogaamiyaha xulka Wales Gareth Bale ayaa goolka saddexaad u dhaliyay xulkiisa daqiiqadii 67-aad.

Wuxuu noqday laacibka ugu goolasha badan ebid taariikhda xulkiisa wuxuu kaloo noqday laacibkii saddexaad ee goolal dhaliya saddexda kulan ee wareega group-yada Euro kaddib Nistelrooy iyo Milan Baros 2004.

Bale ayaa sidoo kale ah laacibka ugu goolasha badan ilaa iminka tartanka Euro 2016 3-gool.

Sidan ayuu ku dhammaaday Group-ka B:

enn

SAWIRRO:

bale bale1 bale2 bale3 bale4 bale5 bale6 bale7 bale8 bale9 bale10 bale11 bale12 bale13 bale14

en en1 en2 en3 en4 en5 en6 en7 en8

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close