AQRISO: Wararkii ugu dambeeyay ee maanta laga qoray suuqa kala iibsiga

jariirad

(Europe) 20 Juunyo 2016. Aqriste waxaan halkan kugu heynaa oo aan kugu soo ururinay wararkii ugu dambeeyay ee maanta laga qoray suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Halka hoose ka aqri:

Madaxwaynaha Real Madrid Florentino Perez  ayaa si rasmi ah ugu xaqiijiyay Man United in kooxdiisa aysan ka shaqeysiin doonin dooqa ay David De Gea ugu kaxeynayaan Spain kal ciyaareedka soo socda.(Daily Express).

Man City ayaa dalab 16.7-milyan oo bound ka gudbisay weeraryahanka Palmeiras ee Gabriel Jesus. Barcelona iyo Juventus ayaa sidoo kale dalabyo ka gudbiyay 19-jirkan, waa mid ka mid ah da’yarta ugu fiican Brazil. (One World Sports).

Wakiilka Zlatan Ibrahimovic ayaa sheegay in laacibku uusan weli go’aansan inuu ku biirayo Man United iyo inkale. 34-jirka ayaa heshiiska uu kula joogo PSG wuxuu dhici doonaa dhammaadka bisha Juun. (TF1 – in French).

Arsenal ayaa la warinayaa inay xiiseynayso weeraryahanka Inter Milan Stevan Jovetic.(Daily Express).

Juventus ayaa u sheegtay 23-jirkeeda Pogba inuu ka tagi karo kooxda laakiin waa haddii laga dhigayo laacibka ugu qaalisan adduunka. Real Madrid ayay u badan tahay inay noqon doonto bar dhammaadkiisa marka loo eego kooxaha kale ee doonaya ee Manchester City iyo Manchester United. (Marka).

jariiradd

Rugcadaagii Man United Ryan Giggs ayaa la filayaa inuu ka dhawaajiyo ka tagistiisa Man United maalmaha yar ee soo socota. (Mirror).

25-jirka qadka dhexe ee Leicester City N’Golo Kante ayaa martilmaameed u ah kooxda xafidaneysa Champions League ee Real Madrid. (AS).

Tottenham ayaa wada hadalo dheeri ah la yeelaneysa Southampton xilli ay ku sii dhawaaneyso inay la soo saxiixato 24-jirkeeda qadka dhexe ee u dhashay dalka Kenya Victor Wanyama. (Daily Mail).

Goolhayaha Arsenal Szczesny, 26-jir ayaa la filayaa inuu dib ugu soo laabto kooxda xagaagan. Wuxuu amaah ku soo qaatay Roma kal ciyaareedkii tagay.  (Guardian).

Liverpool ma xiiseynayso xiddiga Real Madrid Mateo Kovacic mana lahan wax qorshe ah ay isaga iibineyso Danny Ings. (Daily Express).

Waxaa kuu soo ururiyay: Cabdisamed Maxamed Xasan (Black Yare).

 Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close