Alexis Sanchez oo saddex gool u baahan si uu taariikh ugu sameeyo xulkiisa Chile

alex1

(America) 20 Juunyo 2016. Weeraryahanka Arsenal Alexis Sanchez ayaa qarka u saaran inuu rikoodh cusub u dhigo xulkiisa Chile isla markaana baal dahabi ah ka galo.

Sanchez ayaa dhaliyay goolkiisii 34-aad ee xulkiisa ciyaartii dhaweyd ay ugu gudbeen semi-final ka Copa America isagoona bar-bareeyay rikoodhka ninka kaalinta labaad ku jira ee  Ivan Zamorano.

Dhaliyaha Gunners ayaa iminka u baahan saddex gool si uu u soo qabto ninka ugu goolasha badan taariikhda xulka Chile ee Marcelo Salas kaa oo leh 37-gool.

alex

Alexis Sanchez ayaa saddex gool ka dhaliyay Copa America ee ka soconaya dalka Mareykanka oo uu ka mid yahay goolkii uu ka dhaliyay xulka Mexico ciyaar ay uga adkaadeen 7-0.

Xulka Chile ayaa semi-finalka Copa America la ciyaari doona xulka Colombia.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close