WAX IS DHAAFSI: AS Roma oo Leandro Paredes AC Milan u direeysa si u wada qaadato El Shaarawy

(Roma) 19 Juunyo 2016 – AS Roma ayaa Leandro Paredes u bandhigi karta kooxda AC Milan oo weliba doonaysa si ay ugu dhinto kharashka Stephan El Shaarawy oo ay si rigli ah u qaadan rabto.

El Shaarawy ayaa gelinkii dambe ee fasal-ciyaareedkan ku qaatay Giallorossi oo uu amaah ku joogey, balse waxay xaq u leedahay inay isaga dhan ku qaadato €13m kahor 30-ka Juunyo.

Yeelkeede, maadddaama ay iska ilaalinayaan xadidaadaha xeerka dhaqaale wanaagga ee Financial Fair Play, waxay kooxda Lupi doonaysaa xeelad ay ku yareeyn karto kharashka ka baxaya.

Sida uu qabo Il Tempo, haddii Marco Giampaolo laga dhigo macallinka AC Milan, wuxuu 21-jirkan Paredes ee khadka dhexe qayb ka noqon karaa heshiiska.

Laacibkan ayaa ka hoos shaqeeyay macallinka Giampaolo markii uu sanadkii tegey amaahda ku joogey Empoli, iyadoo uu macallinkan oo la dhacsani hollin karo inuu Paredes dib ugula midoobo San Siro.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close