Wal walka madaxda sare, Rashford oo loo baqayo, iyo xanta, wararka Manchester United

5765feadcb2ba_5765c1086a465_MarcusRashfordgoal

(Manchester) 19 Juunyo 2016. Manchester United waxa ay ka cabsi qabtaa in Marcus Rashford uu daal diloodo, sida warar hoose lagu helayo.

Tan iyo markii xiddig caan ah noqday 18-ka bishii Febraayo, kulan qura ayuu seegaya, hada oo uu England Euro-ga kula sugan yahay ma heli doono fasax dheeraad ah.

SunSport waxa ay aaminsan tahay in caanimada ay Rashford ay wal wal galisay mamaulka sare ee Red Devils.

Jose Mourinho, ayaa hase yeshee, la filayaa in uu weeraryahanka tababar gaar ah siiyo inta lagu guda jiro diyaar garowga ololaha dambe (Pre-Season) bal si uu uga bad baadiyo jirkiisa daal ku yimaada kal dambe.

557378

Madaxda Old Trafford waxa ay filayaan in Ryan Giggs uu soo af meero 28-kii sano ee uu xiriirka la lahaa kooxda, sidaas waxaa qabta the Mirror.

Laacibka ugu guulaha badan United waxaa lagu wadaa in uu diido dalabka ah in uu ka sii hoos ka shaqeeyo Jose Mourinho isaga ooh ore ula soo shaqeeyey Louis Van Gaal iyo David Moyes.

Saaxiibo ku dhow dhow Giggs ayaa sheegaya in uu sanad ka nasan doono kubadda cagta kahor inta uusan ku dhawaaqin waayihiisa maamul.

Waxa uu rajeenayey in uu ka dhaxlo Old Trafford Louis Van Gaal balse waxaa laga doortay tababarihii hore ee Chelsea.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close