PSG oo mushaar qaali ah ku soo jiidanaysa Neymar si uu uga soo tago Barcelona

(Paris) 19 Juunyo 2016 Kooxda lacagta badan ee dalka faransiiska ee PSG ayaa diyaar u ah inay ku soo jiidato Neymar msuhaar qaali ah si uu uga soo tago Barcelona xaggaagan.

Sida laga soo xigtay shabakada Fichajes ee dalka Spain, PSG ayaa ka dhiganaysa Neymar bartilmaameedkooda koowaad ee suuqa kala iibsiga xaggaagan.

PSG ayaa u soo bandhigtay Neymar heshiis dhan 6 sano oo sanadkii uu ku qaadanayo 18.5 milyan oo euro oo ah msuhaarkiisa iyo 9.5 milyan oo euro oo ah lacago dheeri ah wuxuuna wadar ahaan qaadan doonaa sanadkii 28 milyan oo euro.

Dhanka kale Telefoot ayaa daaha ka qaaday in mushaarka PSG ay u soo bandhigtay Neymar uu ka badanyahay intaas waxayna sheegeen inuu gaarayo 50 milyan oo euro sanadkii.

Lama oga go’aanka uu qaadan doono Neymar laakiin waxaa muuqata in PSG ay lacag walba u huri doonto kabtanka xulka Brazil.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close