Mauro Icardi oo ka hadlay xaqiiqda ka tagitaankiisa Inter Milan

(Milan) 19 Juunyo 2016 Weerar yahanka xulka qaranka Argentina iyo Inter Milan Mauro Icardi ayaa ka hadlay wararka sheegaya inuu isaga tagi doono kooxdiisa suuqa xaggaagan.

Mauro Icardi ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay sii joogitaanka Inter Milan isaga oo intaa ku daray inuu kula jiro kooxdiisa heshiis ku eg ilaa 2019.

“Waan ku faraxsanahay joogitaankayga Inter Milan, heshiiskayga waxaa iiga harsan ilaa 2019” ayuu u sheegay Football Italia.

“Haddii kooxdu ay go’aansato inay samayso arin kaas ka duwan, waan kawada hadli doonaa, wali waxaan haysanaa waqti badan”.

Mauro Icardi ayaa xaqiijiyay inuu la kulmay milkiilayaasha cusub ee kooxda Inter Milan intii ay joogeen talyaaniga laakiin wuxuu intaa ku daray inuusan fursad u helin inuu kala hadlo mustaqbalkiisa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close