Man United iyo Real Madrid xilligey doonaan ayay la wareegi karaan Pogba laakiin hal shardi

pogba

(Italay) 19 Juunyo 2016. Waxaa sal dhigan la’ mustaqbalka xiddiga qadka dhexe ee Juventus Paul Pogba kaa oo markasta lala xiriirinayo kooxo hor leh.

Laakiin iminka waa xor oo wuu ku biiri karaa koox kasta oo uu doono sida ay u ballan qaaday kooxdiisa laakiin hal shardi oo ah haddii ay helayaan lacagaha ay ku doonayaan.

Starsport ayaa daaha ka rogtay horaantii bishan in Manchester United ay ugu cad cadahay inay dib Old Tarafford ugu soo celiso da’yarkoodii hore.

Sikastaba, jariiradda ka soo baxda Talyaaniga Gazetta dello Sport ayaa sheegtay shalay in Juventus ay go’aansatay inaysan ku iibin doonin Pogba qiimo ka yar 125-milyan oo euro taa oo rikoodh ka noqon doonta suuqa iyadoo ay jirto inay xiiseynayso kooxda Real Madrid.

Tababaraha Los Blancos Zinedine Zidane ayaa waqti sheeda ka eeganayay xiddiga qadka dhexe halka sarena ka galiyay liiskiisa suuqa.

pogba1

Jariiradda Marca ee ka soo baxda Spain ayaa iyana sheeganeysa in kooxda reer Talyaani ay wadada u xaartay Pogba isla markaana ka tagi karayo kooxda.

Waxay sheeganeysaa oo kale jariiradda in Pogba iyo wakiilkiisa Mino Raiola ay kula jiraan Juve heshiis awood u  siinaya 23-jirka inuu ka tagi karayo kooxda goortuu doono.

Pogba ayaa heshiis cusub qallinka ku duugay bishii October 2014 kaa oo ku eg ilaa 2019.

Marca ayaa leh in tilaamuhu tilmaamayaan in xadddiga qadka dhexe uu goor horeba maanka gishtay inuu ka tago kooxda ka ciyaarta Siere A.

Starsport ayaa fahansan in Pogba uu yahay bartilmaameedka koowaad ee Jose Mourinho xagaagan iyadoo uu macallilnka United bilaabay inuu dib u dhiso kooxdan.

Sikastaba, xiddiga reer France ayaa doorbidaya inuu u dhaqaaqo La Liga ha Spain haddii uuba ka tagayo kooxda lagu naaneyso Marwada Duqda ah.

 Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close