Leicester City oo laga soo diiday dalabkii labaad oo ay ka gudbisay Troy Deeney (Waa imisa?)

(Leicester) 19 Juunyo 2016 Halyeeyada horyaalka ingiriiska ee Leicester City ayaa laga soo diiday dalab ay ka gudbiyeen weerar yahanka Watford Troy Deeney.

Mirror ayaa shaaca ka qaaday in Leicester City ay ku dalbatay Troy Deeney aduun dhan 25 milyan oo Ginni si ay u hesho suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Laakiin Watford ayaa soo diiday dalabkii Leicester City maadama ay u arkaan Troy Deeney inuu u qalmo qiimo kabadan 30 milyan oo Ginni.

Troy Deeney ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay kooxdiisa Watford xiliciyaareedkii dhamaaday, wuxuuna u dhaliyay 15 gool tartamada oo dhan.

Leicester City ayaan hubin mustaqbalka weerar yahanka xulka ingiriiska ee Jamie Vardy kaas oo lala xiriirinayo kooxda Arsenal.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close