Xulka Belgium oo BEENTAA yiri Spain….(28-baas ayay gool ku dhaliyeen)+EEG SAWIRKA

beee

(France) 17 Juunyo 2016. Xulka Belgium ayaa u jawaabay oo yiri kaama liito xulka Spain kaddib goolkoodii labaad ee ciyaartii ay dhawaan ka adkaadeen xulka Ireland.

Xalay ayuu xulka Spain dhaliyay gool ay taabteen 21-jeer oo uu ugu dambeyn dhammeystiray Alvaro Morata ciyaartii ay ka adkaadeen xulka Turkiga waxaana la sheegay in kubbadaasi ay wada taabteen dhammaan xiddigaha xulka Spain marka laga reebo Gerard Pique iyo goolhaye De Gea.

Sikastaba, xulka Belgium ayaa ciyaartii dhawayd oo ay 3-0 kaga adkaadeen xulka Iraland dhaliyay gool ay taabteen 28-jeer waana gool dhisidii ugu dheereed tartanka Euro tan iyo 1980.

be14

Goolka wuxuu ahaa kii labaad ee ciyaarta waxaana kubbada wareejiyay xiddigaha Belgium iyadoo ugu dambeyn uu kor u qaaday Thomas Meunier waxaana madaxa ku dhaliyay tima waynaha Axel Witsel.

EEG SAWIRKA:

goooooooooool

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close