Wareega 2-aad ee Group-yada Euro 2016 oo soo idlaaday…(Yaa hogaaminaya gool dhalinta?)

(France) 19 Juunyo 2016. Waxaa soo idlaaday lugta labaad ee wareega Group-yada Euro 2016 iyadoo ay ka harsan tahay oo qura hal kulan in loo gudbo wareega 16-ka.
Xulal yar ayaa ilaa iminka xaqiiqsaday booskooda wareega 16-ka.
Haddaba yaa hogaaminaya gool dhalinta Euro 2016 ilaa iminka:
Waxaa min 2-gool wada leh xiddigaha Payet ee u safta xulka Faransiiska, hogaamiyaha xulka Wales Gareth Bale, dhaliyaha xulka Spain Alvaro Morata, xiddiga Belgium Lukaku iyo Bogdan Stancu ee weerarka kaga ciyaara xulka Romania.
Gool FM.