James Rodriguez oo amaan huwiyay seedigiis David Ospina kadib markii uu gaarsiiyay Colombia Semi Final-ka Copa America

(America) 18 Juunyo 2016 Laacibka xulka qaranka Colombia iyo Real Madrid James Rodriguez ayaa amaan huwiyay seedigiis ahna gool hayaha Colombia iyo kooxda Arsenal David Ospina.

Xulka qaranka Colombia ayaa soo tiigsaday Semi Final-ka Copa America kadib markii ay gool ku laad dhan 4-2 uga adkaadeen xulka qaranka Peru.

James ayaa ku amaanay David Ospina oo uu qabay walaashiis sida uu marwalba ugu dadaalayo xulka qaranka kadib markii uu badbaadiyay 2 gool ku laad.

“Aad ayaan u jeclahay David Ospina, isaguna waa uu ogyahay, maanta wuxuu sugay inuu xulka u hurayo naftiisa marwalbana waa sidaas, waxaan aaminsanahay inuu ahaa laacibkii noogu fiicnaa” ayuu yiri James.

“Wuxuu ahaa kulan aad u adag, waan siiwadi doonaa shaqada wayn ee aan qabanayno” ayuu sii raaciyay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close