GOTHENBURG RAMADAN CUP: Kooxda Daraawiish FC oo usoo baxday wareegga 2-aad & natiijooyinka kulamadii shalay + Sawirro

(Gothenburg) 18 Juunyo 2016 – Waxaa dar dar ku socda Koobka Ramadaanka ee Gothenburg 2016 oo ay soo abaabuleen Gool FM iyo bahda isboortiga Göteborg, kaasoo ay cayaar oaad u xiiso badan shalay ku dhexmareen garoonka kviberg kooxaha kala ah Daraawiish FC vs Horseed.
Cayaartii hore waxaa ay kula baxeen 3-1 ay guushu ku raacday kooxda Daraawiish FC oo xaqiiqsatay kasoo bixitaanka Wareegga B walow ay u harsan tahay hal cayaar.
Dhanka kale waxaa ciyaar kale dhex martay kooxaha kala ah Frölunda Stars vs FC vs FC No Qabyaalad ciyaartaas oo ahayd mid weerar iyo weerar celis ah waxay guushu 2-1 ku raacday kooxda Frölunda.
Waxaa galabta fooda isdari doona kooxaha kala ah Somskan vs Halgan, goobtuna waa Kviberg 2.
Gool FM