EURO 2016: Cristiano Ronaldo oo mugdi galiyay rajada Portugal kaddib rigoore uu ka khasaariyay+SAWIRRO

(France) 18 Juunyo 2016. Ronaldo oo guul ku hogaamin waayay xulkiisa kaddib markii uu rigoore ka khasaariyay kulan ay bar-baro 0-0 la galeen xulka Austria.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-0.

Xulka Portugal ayaa ciyaarta gacanta ku heyay oona maamulkeeda inta badan heyay isla markaana abuuray fursado badan waloow ay dadaalkoodu ahaa qeybta hore hal bacaad lagu lisay.

Bilowgii ciyaarta daqiiqadii 3-aad xulka Austria ayaa helay fursad ka timid dhinac waxaana madaxa galay Harnik balse nidhac martay.

Daqiiqadii 12-aad ee ciyaarta Nani ayay is arkeen goolhayaha kaddib markii uu si fiican ugu qaatay daafacyada gacan tuur ama fooro waxaad ugu yeertaan oo uu u soo tuuray Ronaldo balse goolhayaha ayaa ka bixiyay

Cristiano Ronaldo ayaa khasaariyay fursad ay wan tuu isku soo dhufsadeen xiddigaha Portugal isagoo cag dhinac marsiiyay goosha daqiiqadii 21-aad ee ciyaarta.

Ronaldo ayaa sameeyay laadadkii ugu badnaa tatanka Euro ee 2016 14 sshuut laakiin weli wax gool ah wuu dhalin la’yahay.

Kabtanka xulka Portugal ayaa sidoo kale noqday laacibka ugu laadadka badan taariikhda Euro 91-shuut wuxuuna 39-dheer yahay Thierry Henry oo labaad ku jira 52-shuut.

Fursad kale oo cajiib ah kubbad ka timid koornada dhinaceeda daqiiqadii 28-aad ayaa waxaa madax kulul galay Nani oo ay birta uga dhacday.

Xulka Austria ayaa helay fursad aad u khatar ah kaddib laadka xorta oo loo dhigay David Alaba kaddib markii uu jilaafeeyay Pepe ayuu isla isagii soo qaaday bulusiyoonka oo runtii aad halis u ahaa kuna dhawaa inuu dhasho balse la soo bixiyay daqiiqadii 40-aad.

Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta Ronaldo ayaa sameeyay labo fursadood oo deg deg ah oo gool noqon karay laakiin goolhayaha ayaa ka beeniyay labaduba.

Daqiiqadii 54-aad laad kulul oo bidix oo dhulka ku socota ayuu la beegsaday goosha laakiin waa laga diiday misane daqiiqad uun kaddib koornadii la soo qaaday ayuu madax misane galay hadana markale goolhaye Almer ayaa ka diiday.

Laadka xorta ah uu soo tuuray Ronaldo ayaa birta kore meel u dhow maray daqiiqadii 64-aad ee ciyaarta.

Cristiano Ronaldo ayaa ka khasaariyay xulka Portugal rigoore loo dhigay daqiiqadii 78-aad ee ciyaarta. Waxaa lagu galay isla isaga balse nasiib darro birta ayay uga dhacday markii uu goolhayaha kala jaray waliba birta hoose.

NASIIB XUMA Ronaldo ayaa misane helay fursad kale oo uu madaxa ku dhaliyay kubbad bulusiyoon la soo tuuray laakiin waa laga diiday oo waxaa la yiri waa offside.

Waa rigooradii ugu horreysay uu Ronaldo khasaariyo koob wayn waqtiga caadiga ah, wuu dhaliyay koobkii adduunka ee 2006 kulan ay ka hor yimaadeen Iran.

SAWIRRO:

por 11 por12 por13 por14 por15

por (1) por (2) por (3) por (4) por (5) por (6) por (7) por (8) por (9) por (10)

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close