EURO 2016: Belgium oo beerka uga dhacay xulka Ireland…(Lakuku oo bar-bareeyay rikoodhka tababarihiisa)

(France) 18 Juunyo 2016. Belgium ayaa guul sahlan ka gaaray xulka Ireland oo ay kaga talaabsadeen 3-0.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-0.

Xulka Belgium ayaa ciyaarta ku xoog badnaa oo kubbada inteeda badan xukumayay balse ma jirin fursado aad u halis badan marka laga reebo kubbad ka timid koornada oo uu madaxeeyay Toby Alderweireld ayaa waxaa iyadoo shabaqa ku sii socota ka soo bixiyay Wes Hoolahan daqiiqadii 42-aad.

Fursadaha Belgium ee qeybtii hore ayaa ka badnaa sagaal fursadood balse ma ahayn kuwa khatar badan marka laga reebo labo ay si toos ah goosha ula beegsadeen.

Xulka Belgium ayaa 91- shots (LAADAD) ay tureen tartanka Euro ku guul darreystay inay midkood gool u badelaan.

Waxbaa ka dhacay GOOOOL qurux badan, Belgium ayaa hogaanka qabtay oo ka baxay baahidii gool la’aanta bilowga qeybtii koowaad ee ciyaarta daqiiqadii 48-aad.

Belgium ayay ku qaadatay 93-shuut kaddib inuu dhaliyo goolkiisii ugu horreeyay ee Euro tan iyo goolkii Mpenza uu ka dhaliyay xulka Sweden sanadkii 2000.

Waxaa la soo orday kubbad weerar rogaal celis ahayd xiddiga Man City Kevin de Bruyne mid ka mid ah xiddigaha Ireland ayuu dhulka uga soo tagay dabadeed wuxuu farta ka saaray Lukaku oo taagan afka hore ee diilinta ganaaxa isagoona cag dheer oo aad u qurux badan dhinac ka dhigay goosha.

De Bruyne ayaa gacan ka geystay 10-gool oo xulkiisa 10-kii kulan ee ugu dambeysay 5-gool iyo 5-caawin.

Xiddiga Belgium Axel Witsel ayaa gacanta ku taabtay weerar ay soo qaadeen xulka Ireland daqiiqadii 54-aad diilinta ganaaxa gudaheeda balse garsooraha ma uusan dhigin.

WOOOOW GOOOOL, kubbad ay wax badan isku dhii-dhiibayeen xulka Belgium ayaa waxaa ugu dambeyn kor u qaaday kubbada Thomas Meunier waxaana madax furan oo qurxoon galay Axel Witsel oo shabaqa dhex dhigay.

GOOOOOOL kabtanka xulka Belgium Eden Hazard ayaa sidii biyaha u dhex jeexay garoonka isagoo ka tuurtay laacib ka tirsan xulka Ireland oo uu dhulka uga soo tagay orod dheer kaddibna kubbad hoo i dhali ah farta ka saaray Lukaku oo sidaa shabaqa ku dhex dhigay daqiiqadii 70-aad ee ciyaarta.

Romelu Lukaku ayaa noqday laacibkii ugu horreeyay Belgium oo labo gool ka dhaliya kulan tartan ah tan iyo 1998, kolkaa uu tababaraha iminka ee xulka Belgium Marc Wilmots uu labo gool ka dhaliyay Mexico.

SAWIRRO:

http://i.dailymail.co.uk/i/pix/2016/06/18/15/

http://i.dailymail.co.uk/i/pix/2016/06/18/15/

be14 be15 be16

be11 be12 be13

be be1 be2 be3 be4 be5 be6 be7 be8 be9 be10

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close