DAAWO: Sida ay isu shabbahaan goolkii Eder & midkii uu Baggio KA94 ka dhaliyey Bulgaria

(Tolouse) 18 Juunyo 2016 – Talyaaniga ayaa shalaytoole 1-0 kaga takhallusay dalka Sweden, waxaase cajiib ahaa goolka laftiisa oo kasoo bilowday tuuryo-gacmeed ka yimid Georgio Chiellini.

Waxaa deeto teesto ku nusay Zaza oo u sallaxay Eder oo isna markiisa sii cusbeeyay isagoo la dhex qaaday xayn ka tirsan laacibiinta Sweden illaa uu bidix xoog badan oo goosha ka geliyo baalka midig, taasoo uu wax badan ka qaban kari waayey goolwalaha Sweden ee Isaksson.

Haddaba, daawo gool aad ugu qaab eg isla goolkaasi oo uu Roberto Baggio wareegga nus-dhamaadka Koobkii Adduunka ee 1994-kii uga dhaliyey dalka Bulgaria.

Halkan GUJI oo ka DAAWO labadaba…

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close