Cristiano Ronaldo oo rikoodh cusub u dhigay xulka Portugal

ro

(France) 18 Juunyo 2016. Cristiano Ronaldo ayaa rikoodh cusub caawa u dhigay xulkiisa Portugal ciyaarta ay iminka la yeelnayaan xulka Austria kulankoodii labaad ee group-ka F ee Euro 2016.

Wuxuu noqday xiddiga ugu safashada badan xulka Portugal 128-kulan wuxuu jabiyay rikoodhkii Luís Figo.

Kabtanka xulka Portugal ayaa bar-bareeyay rikoodhka Figo kulankii ay bar-baraha 1-1 la galeen xulka Iceland talaadadii.

Laakiin Ronaldo ayaa rikoodhka safashada Portugal diiwaan gishtay kaddib markii lagu soo bilaabay ciyaarta iminka ka dhaceysa Paris.

cr

Ku dhawaad saddex sano ayaa laga joogaa tan iyo markii uu Ronaldo kulankiisii ugu horreeyay u saftay xulka waa waynka Portugal markii badel lagu keenay qeybta labaad ee ciyaarta kulan ay 1-0 uga adkaadeen xulka Kazakhstan bishii August 2003.

31-jirka ayaa ahaa kabtanka joogtada ah ee xulkiisa tan iyo 2008 wuxuuna sidoo kale sare u hayaa rikoodhka xiddiga ugu goolasha badan xulka qaranka Portugal 58-gool.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close