Antonio Conte oo ka maseeyray taageerayaasha Sweden! (Waa maxay?)

(Paris) 19 Juunyo 2016 – Antonio Conte ayay horay iskugu dheceen naadiyayaasha Talyaaniga oo uu ku dhaliilay inay “si liidata ula dhaqmaan funaanadda Azzurri, balse xillgan oo kale waxaa soo laabta jacaylka loo qabo.”

Xulka Talyaaniga ee La Nazionale kaalinta 1-aad ugasoo baxday wareegga E oo lagu tilmaamo ”guruubka dhimashada” kaddib markii ay Belgium 2-0 direen, halka ay Sweden 1-0 iskaga reebeen, balse waxaa jirta arrin uu Conte dalbaday.

“Waxay ila tahay inay muhim tahay inay dadku soo xirtaan midabadeenna, waayo waxay taasi laacibiinta u sahlaysaa inay taageerayaasha tiradooda dareemaan iyagoo buluug ah.” ayuu yiri Conte oo la hadlayey Rai Sport.

“Waa sax in taa lagu faano, maaddaama uu buluuggu yahay midab cajiib ah, oo xoog badan. Waan yara cowryeeynay taageerayaasha Sweden oo wada Jaallaha ahaa, waayo waxay muujiyeen midnimo.” ayuu raaciyey.

b

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close