Taageere waqooyiga Ireland ah oo sara jooga ka dhacay deedna geeriyooday isaga oo daawanaya kulankii ay xulkiisa ka badiyeen Ukraine

N.Ireland

(Paris) 17 Juunyo 2016. Taageere ka tirsanaa kuwa Waqooyiga Ireland ayaa isaga oo jira lixdameeyo oo daawanaya iyaga ii dheelaya geeriyooday.

Sida laga soo xiganayo ITV Sport, waxaa dhacdada xaqiijiyey booliska maxaliga ah wax yar kaddib masiibada markii ay Waqooyiga Ireland diiwaan gashadeen guushii ay ka gaareen Ukraine.

Isla warkaas ayaa lagu sheegay in taageeraha aan la magacaabin uu sarajooga ka dhacay.

Waxaa la fahansan yahay in markii ay ciyaarta mareysay 80 daqiiqo loo wacay qolyaha caafimaadka eek u sugnaa tarbuunka balse waxba dadaalkooda wuu tari waayey.

Waxaa sidoo kale Waqooyiga Ireland isla tartanka France ka socda uga geeriyooday tageere kale oo lagu magacaabay Darren Rogers  isaga oo ku sugan magaalada Nice toddobaadkii hore.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close