Taageerayaasha Turkiga oo si xun ugu OORIYAY kabtankooda Arda Turan

arda

(France) 18 Juunyo 2016. Taageerayal careysan oo xulka Turkiga ayaa ku ooriyay laacibkooda Arda Turan ciyaartii dhaweyd uu xulka Spain uga adkaaday saddexda gool isla markaana uga hareen tartanka Euro 2016.

Labo gool oo ka timid Morata iyo mid uu dhaliyay Nolito ayaa guusha u gacan galiyay kooxda xafidaneysa Euro iyadoo kooxda tababare Fatih Terim ay ku dhibtoodeen inay wax fursado ah abuuraan ciyaarta.

Intii lagu guda jiray qeybtii labaad ee ciyaarta taageerayaasha Turkiga ayaa caradooda u muujiyay kabtankooda Turan iyagoo ku dhawaaqayay “Arda dışarı”, oo micnaheedu yahay Arda bax ama arda Bannaanka.

ardda

Kulankoodii furitaanka ayay guul darro 1-0 ah kala kulmeen xulka Croatia, waxayna kulankooda ugu dambeeya ee wareega group-yada la yeelan doonaan xulka Czech Republic habeenka talaadada.

 Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close