Sweden oo rikoodh la yaab leh ka dhigay Euro 2016

(Tolouse) 18 Juunyo 2017 – Kooxda Erik Hamren ee Sweden ayaa ku guuldarraysatay inay ilaa haatan sameeyso toog gool ku jeed ah (on target) tiiyoo ay jirto inay laba kulan oo dhan dheeleen, iyagoo haatan qarka u saaran inay haraan.

Zlatan Ibrahimovic iyo saaxiibadii ayaa waxaa 1-0 shalay kaga badiyey xulka Talyaaniga kaddib markii uu daqiiqaddii 88-aad gool ka dhaliyey Eder iyagoo barbarraha ay la galeen xitaa Republic of Ireland, ku helay gool iska dhali ahaa.

Sweden ayaa noqday xulkii ugu horreeyay ee dheela laba kulan oo xiriir ah tan iyo 1980-kii iyagoon hal kubadna oo gool ku jeed ah ku toogan kooxda kasoo horjeeda.

b1

 

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close