EURO 2016: Spain oo ku badisay goolashii ugu badnaa ilaa iminka iskana xaadirisay wareega 16-ka+SAWIRRO

(France) 17 Juunyo 2016. Xulka xafidanaya Euro ee Spain ayaa goolashii ugu badnaa ilaa iminka Euro 2016 kaga adkaaday xulka Turkiga oo ay ku mareen 3-0.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0.

Waxaa iska maamulanayay ciyaarta xulka Spain oo ay lugtiisu ka dhammaan waysay kubadda.

Waxaa goolka ugu daah furay xiddig yarihii hore ee Real Madrid Alvaro Morata daqiiqadii 34-aad ee ciyaarta kubbad uu madaxa u saaray Nolito oo isna uu dhinac dheer goosha ka dhigay.

Saddex daqiiqo uun kaddib caawiyihii goolka koowaad ayaa dhaliyay goolka labaad ee kooxda kaddib baas qiyaano ah uu u xaday Cesc Fabregas ayaa waxaa madaxa ku sii dhuftay mid ka mid ah daafacyada Turkiga waxayna u tagtay Nolito oo dhaliyay isagoo sii dhacaya.

Nolito ayaa noqday laacibkii 35-aad ee xulka Spain gool uga dhaliya Euro waana xulka ugu badan tartankan oo waxay ka badan yihiin xulka Jarmalka oo 34-ciyaarahano oo kala duwan ay goolal u dhaliyeen.

Waa markii ugu horreysay oo xulka Turkiga labo gool laga dhaliyo qeybta hore ee ciyaarta tartan wayn tan iyo 1954-kii koobka adduunka.

Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad bilowgeedii kooxda xafidaneysa Euro ayaa goolkii saddexaad ahna goolkiisii labaad ee ciyaarta ka heshay Morata kubbad uu Iniesta u dhiibay Alba oo isna si deeqsinimo ku dheehan tahay ugu dhiibay weeraryahanka Juventus oo sidaa ku dhaliyay.

Waxaa yaab leh in goolka saddexaad ee Spain markii la soo dhisayay ay taabteen kubbada dhammaan xiddigaha Spain marka laga reebo Gerard Pique.

Nolito iyo Morata ayaa dhaliyay todobo ka mid ah sideedii gool ee ugu dambeeyay xulka Spain.

SAWIRRO:

sp12 sp13

sp sp1 sp2 sp3 sp4 sp5 sp6 sp7 sp8 sp9 sp10 sp11

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close