BBC: Vardy-ga Leicester City waa ciyaaryahan Arsenal ah

ClFEV6tWQAE6LkH

(London) 17 Juunyo 2016. Maxay sameenayeen BBC-da?

Mise waxa ay daaha ka rogeen mid ka mida sheekooyinka ugu xiisaha badan ee suuqa kala iibsiga xagaagan?

Jamie Vardy waxa uu ahaa geesiga saddexdda Libaax kulankii ay Wales 2-1 uga badiyeen khamiistii.

Isaga waxa uu dhaliyey bar bar dhaca, Daniel Sturridge, kii guusha.

Laakiin marka laga yimaado natiijada Vardy miyuu go’aansaday in uu ka tago Leicester?

BBC OO DAQIIQAD DAQIIQAD AQRISTEYAASHEEDA ULA SOCOD SIINEYSA KULANKA

Tabinta BBC-da ee caanka ahayd ee daqiiqad daqiiqada ah kulankii England iyo Wales waxa ay sababtay dhago taag badan marka la eego  sida ay sharaxaada uga bixiyeen goolkii Vardy.

Waxay ahayd arrin si KAMA ah uga dhacday BBC-da waxa ay ku tilmaamtay Vardy ciyaaryahan Arsenal ah markii uu dhaliyey goolka bareejada ahaa.

Waxuu soo qoray tabiyihii ciyaartaasi ee BBC LIVE Blog daqiiqadii 56-aad Goal, England 1 Wales 1. Laacibka Arsenal Jamie Vardy (England) oo shuut lugta midig ku dhaliyay meel goosha ku dhow.

vardy

Arsenal waxa ay jabisay qiimihii lagu bur burin karay xeyn daabka qandaraaska weeraryahanka Leicester balse Vardy wali go’aan ma uusan gaarin.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close