ARGAGIXISO ISBOORTI: ”Taageerayaal ma ahane waa argagixiso isboorti”

( Stade Geoffroy-Guichard) 18 Juunyo 2016Macallinka Croatia ee Ante Cacic ayaa taageerayaasha dalkiisa ku tibaaxay inay yihiin ”argagixiso isboorti” kaddib markii ay kulankoodii barbarraha ku dhamaaday ay hareeyeen bulalleeyrro ay soo tuurayeen taageerayaasha xulkiisu.

UEFA ayaa durba furtay qorshayaal ka dhan ah Xiriirka Kubadda cagta Croatia kadib qalalaasahan ku dhuftay kulankan ka tirsanaa wareegga D, taasoo keentay inuu ciyaarta hakiyo garsoore Mark Clattenburg.

Mid ka mid ah nidaamiyayaasha garoonka ayaa xitaa la arkayey inuu ku dhaawacmay garoonka Stade Geoffroy-Guichard oo ay kusoo dheceen ilaa 15 bulalleeyr.

b4

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close