AQRISO: Wararkii ugu dambeeyay ee maanta laga qoray suuqa kala iibsiga

jariirad

(Europe) 17 Juunyo 2016. Aqriste waxaan halkan kugu heynaa oo aan kugu soo ururinay wararkii ugu dambeeyay ee maanta laga qoray suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Halka hoose ka aqri:

Jose Mourinho ma doonayo in Ryan Giggs uu noqdo caawiyihiisa maxaa yeelay wuxuu ka cabsanayaa inuu ilko la soo boxo oo uu noqon karayo tartame suuro gal ah ee xilka koowaad. (Times – subscription required).

Weeraryahanka Liverpool Mario Balotelli ayaa qarka u saaran inuu ku biiro kooxda reer Turkish ee Besiktas sida uu sheegayo wakiilka 25-jirkan. (Spox.com – in German).

Manchester United ayaa ka fikireysa inay u dhaqaaqdo xiddiga qadka dhexe ee Julian Draxler, 22-jir, sanad uun ka yar markii ay naadiga Wolfsburg  25.5-milyan kala soo saxiixatay laacibkan kooxda Schalke. (Bild – in German).

Chelsea ayaa xiiseynaysa saxiixa wiilka hormuudka u ah West Ham ee Dimitri Payet, kooxda lagu naaneyso Hammers ayaa ka baqaneysa inay suuro gal noqon weyso inay sii heystaan 29-jirka reer France. (Mirror).

Milkiilayaasha Liverpool ayaa sheegay inaysan lahayn wax qorshe ah ay ku iibinayaan kooxda iyadoo ay jiraan wararka tibaaxaya in koox maal gashato taageere ka heleysa Shiineeska ay doonayaan inay 700-milyan ku biisadaan. (Liverpool Echo).

Tababaraha Chelsea Antonio Conte ayaa qorsheynaya inuu fursad siiyo Juan Cuadrado, 28-jirka garabka ka ciyaara ayaa amaah ku joogay Juventus xilli ciyaareedkii dhawaa. (Dail Mail).

27-jirka qadka dhexe ee naadiga QPR Sandro ayaa ku dhacay tijaabadii caafimaad uu u marayay kooxda reer Portugal Sporting Lisbon kaddib markii uu heshiis saddex sano ah la gaaray. (Independent).

27-jirka weerarka kaga ciyaara Bayern Munich Robert Lewandowski ayaa qorsheyn karaya inuu u soo dhaqaaqo Premier League kaddib xaaladiisa Jarmalka oo aan sal lahayn. (Daily Mail).

jariiradd

Laacibka qadka dhexe ee Valencia Andre Gomes, 22-jir, ayaa u soo ifbaxaya sida bartilmaameed suuro gal ah suuqa kala iibsiga ee Man United. (Mundo Deportivo – in Spanish).

Kooxda xafidaneysa horyaalka Premier League Leicester City ayaa ku dhow inay dhammeystirto heshiis 12-milyan ay kula soo saxiixaneyso xiddiga qadka dhexe ee naadiga Nice Nampalys Mendy, 23-jir. (Mirror).

Man City ayaa ka horeysa Man United iyadoo labaduba isku dayayaan inay la soo saxiixdaan 20-jirka garabka kaga ciyaara Schalke iyo xulka Germany Leroy Sane, 20-jir, kaa oo lagu qiimeeyay 40-milyan oo bound. (Suddeutsche Zeitung – in German).

Man United ayaa sidoo kale bartilmaameedsaneysa 19-jirka reer Switzerland ee weerarka kaga ciyaara naadiga Basel Breel Embolo. (Bild – in German).

West Ham ayaa diyaarineysa inay dalab labaad oo 8-milyan oo bound ka gudbiso 26-jirka garabka kaga ciyaara Bournemouth Matt Ritchie. (Telegraph).

Waxaa kuu soo ururiyay: Cabdisamed Maxamed Xasan (Black Yare).

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close