Qiimaha Kroos waa £95million oo lagu daray Pogba, sidaas waxa yiri walaalkiis kaddib wararkii sheegay in Real ay heshiis is dhaafsi Juventus la sameeneyso

(Berlin) 16 Juunyo 2016. Felix oo la dhashay Toni Kroos ayaa sheegay in walaalkiis qiimihiisu yahay £95million oo Euro una dhiganta €120m oo Pound+Paul Pogba, waxa uuna hoosta ka xariiqay in uu yahay kan ugu wanaagsan booskiisa dunida oo dhan.

Walaalka Kroos, Felix oo ay da’diisu tahay 25 ayaa uga ciyaaraha khadka dhexe kooxda Union Berlin waxa uuna ka jawaabayey wararka sheegaya in Real Madrid ay Juventus u bandhigtay Kroos iyada oo lacagna u raacin doonta si ay uga soo qaadato Pogba oo 23 jir ah.

Toni Kroos o 26 sano jira waxa uu 44 kulan u saftay Real Madrid dhamaan tartamada xilli ciyaareedkii dhamaaday isaga oo u dhaliyey hal gool halka Pogba uu 49 ciyaar matalay marwada duqda ah isaga oo 10 gool o u dhaliyey.

3555F3A600000578-0-image-m-2_1466070796175 35540E8B00000578-3644522-image-a-4_1466071325509

Iyada oo ay jiraan sheekooyin qishaya in ganacsi is weydaarsi dhexmari doono Real iyo Juve, Felix waxa uu yiri: ‘Maalin dhexdaas ah ayaan aqriyey in Juventus ay ka iibin doonto Pogba kaliya waa hadii ay heleyso 120 Milyan oo Euro iyo Toni Kroos.

‘Waa wax iga yaabiyey, maxaa yeelay waa cagsigeeda.

‘Waa Juventus mida in ay bixiso tahay wax ka badan 120 Million oo lagu daray Pogba si ay u hesho Toni.

‘Toni waa kan ugu wanaagsan aduun booskiisa.’

Pogba waxa uu ka soo kacay keydka kulankii ay France arbacaddii uga badisay  Albania magaalada Marseille si ay guulaha ay Euro-ga ka gareen ugu sii hayaan 100% kaddib laba kulan oo ay ka dheleen Group A.

Toni, dhibaca kale waxa uu ciyaara axaddii iyada oo ay Germany 2-0 ku dubatay Ukraine kulankii kowaad ee Group C oo  lagu dheelay Lille.

3551CFC500000578-3644522-image-a-3_1466071323672

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close