Northern Ireland oo soo gabagabaysay rajadii Ukraine ee Euro 2016 kana gaartay guul taariikhi ah (SAWIRRO)

(Lyon) 16 Juunyo 2016 Kulan ka tirsan guruubka C ee koobka qaramada qaarada yurub ayaa soo idlaaday haatan, xulka qaranka Northern Ireland ayaana gaaray guul muhiim u ah.

Ciyaartoyda xulka qaranka Northern Ireland ayaa soo bandhigay ciyaar soo jiidasho leh kadib markii ay weeraro isdaba joog ah ku qaadeen goolka xulka qaanka Ukraine.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 0-0 kadib markii labada xulba ay ku guul daraysteen inay goolal u badalaan fursado dhawr ah oo ay heleen.

Laakiin bilowgii qaybtii dambe Gareth McAuley ayaa hogaanka u dhiibay xulkiisa qaranka Northern Ireland kadib markii uu madax ku dhaliyay kubadd karoos loogu soo qaaday wuxuuna ka dhigay ciyaarta 1-0.

Photo published for Ukraine v Northern Ireland, Euro 2016 LIVE: Follow all the action

Ciyaartoyda xulka qaranka Ukraine ayaa kadib jiifka ka kacay waxayna heleen dhawr fursadood laakiin uma suuro galin inay gool u badalaan.

Garsooraha ciyaarta ayaa ku daray 6 daqiiqo laakiin xulka qaranka Ukraine ayaa ku guul daraystay inay soo barbareeyaan goolkii looga hormaray.

Dhamaadkii ciyaarta Niall McGinn ayaa quusiyay Ukraine oo uu xaalku ku xumaa kadib markii uu shabaqa dhex dhigay kubadd uu soo tufay goolhayaha Ukraine, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 2-0.

Ciyaarta ayaana ugu danbayntii ku soo idlaatay 2-0 oo ay guushu ku raacday xulka qaranka N. Ireland oo haatan leh 3 dhibic, waxayna ka warsugi doonaan kulanka kale ee caawa dhex mari doona Germany iyo Poland oo min 3 dhibic leh.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close